Guud ahaan waxaa suugaanta loo kala qoqobaa labo heerar oo waaweyn — maanso (tix) iyo tiraab.
Tiraabtu waa afka caadiga ah oo hadaleed ama qoraal, kaasoo ka xor ah miisaanka ama ridmada iyo cod-boqorka ay maansadu ku caan baxday. Tiraabtu waxay leedahay hannaan iyo dhismo qoraal. Dhismaha qoraalku wuxuu jaangooyaa ama habeeyaa kala hormarinta fikradaha iyo aaraa’da dulucda qoraalkaas.
NOOCYADA TIRAABTA
Noocyo dhawr ah oo kala jira ayaa ku abtirsaday dhanka tiraabta suugaameed. Nooc walba wuxuu leeyahay dhismo gaar ah oo ka sooca kuwa kale ooy isku bahda yihiin. Farqiga ugu weyn oo kala saara jaadadka tiraabeed waxaa keena dhererka dhitada; nooca dhacdada, fagaaraha, dulucda, jilayaasha iyo wixi la mida.
Curinta tiraabtu wey ka sahlan tahay tan maansada waayo wey ka madax bannaan tahay dabarrada ku xiran maansada sida miisaanka iyo cod-boqorka.
Tiraabta suugaameed waxaa loo kala qaybiyaa: riwaayado, mala-awaal iyo jiraal. Mala-awaalka waxaa hoos yimaada noofalka, roomansiga, sheekada gaaban, sheeko-baraleyda, Jiraalka waxaa isna hoos yimaada maqaalka, taariikhda, qof-ka-hadalka iyo sheekooyinka safarka.
Sheekada Gaaban: Waa jaad tiraabeed oo mala-awaal ah. Sheekada gaabani way ka sahlan tahay noofalka xagga dhismaha. Dhererka iyo dhismaha ka sokow, sheekada gaabani waxay noofalka uga geddisan tahay iyadoo ka hadasha hal mardhac, jilayaasheeduna ay ka kooban yihiin kuwa noocyada kale ooy isku bahda yihiin.
Waxay sheekada gaabani fiiro gaar ah siisaa arbaha sheekada, facaayilkiisa, xiisihiisa, waxayna ku dhammaataa guulaysigiisa ama guuldarradiisa, kamana bixi karto sawirrada dhacdadaas iyo wixii la xiriira. Arbaha sheekada gaabani wuxuu kale oo halkan kula jiri karaa waxyaalo kale oo dahsoon sida dabeecadda, dareenkiisa, dareen kale iyo wixi la mida.
Qoraaga sheekada gaabani uma yeelo arbaha ama qalanjada sheekadiisa tilmaamo ama camallo murgin kara ama dheerayn kara dhismaha sheekada. Ujeeddooyinka qoraaga sheekadu, dherer kastaba ha yeelatee, waa inuu akhristaha tuso, maqashiiyo oo dareensiiyo waayo-aragnimo nololeed oo sheekadu xambaarsan tahay; ha yeeshee waayo-aragnimada sheekada gaabani gudbinaysaa way xaddidan tahay.
Qoraaga xariifka ahi, xubin kastaba ha tixgeliyee ama ha culaysiyee, wuxuu sheekadiisa u soo bandhigaa si akhristaha xiisihiisa kicisa. Wuxuu khasbadaa oo hoggaan ku qabsadaa xiska ama dhugta iyo dareenka akhristaha. Wuxuu kiciyaa oo dhaqaajiyaa dareenka akhristaha isagoo u adeegsanaya hannaanka iyo dulucda qoraalkiisa. Si uu ujeeddadaas u gaaro, waa inuu qoraagu sheekada ka haqabtiraa ammuuro iyo shakhsiyaad isku liddi ah ama iska soo horjeeda sida naxdin iyo madaddaalo, jacayl iyo naceyb, caro iyo farax, samaanley iyo xumaanley iyo wixi la mida. Qoraa walba tixraac, tabihiisa iyo farshaxannimodiisa qoraal ayay ku xiran tahay dhadhanka iyo xiisada sheekadiisu.
Tixraac: Better Reading Two: Literature p. 339 (USA 1961) ooy qoreen Blair, Gerber iyo Eugene.
Sheekada gaabani waxay dhugmadeeda ku koobtaa hal ama dhawr jilo oo ku amar-ku-taagleeya dhacdada aan la labayn oo sheekada gaabani soo bandhigto. Waxa jilaha sheekada gaaban laga ilaashadaa tilmaamo badan oo murgin kara socodka dhacdada sheekada.
Hadal iyo dhammaan sheekada gaabani way ka caansan tahay qormooyinka kale ee suugaaneed oo male-awaalka ku abtirsada, taasoo ay keentay sahlanaanta fahamkeeda iyo dhismaheeda.
Marka uu qoraa curinayo qormo suugaanta magoogashada ah, horta aad buu uga baaraan degaa dulucdeeda, dabadeedna qormadaas buu kala dhigdhigaa, kala qaybiyaa, Isku xiriiriyaa oo u soo bandhigaa si ay fikrad maangal ah oo macne gudbinaysa u noqoto.
Marka uu injineer doonayo inuu bilaabo dhisme cusub, wuxuu diyaarsadaa shaxan dhismaha uu damacsan yahay suuradiisa leh oo lagu magacaabo daabac-buluug. Shaxankaas ayaa injineerka hoggaamiya oo uu ka fiirsadaa qaabka qolalka iyo qorshaha guud oo uu dhismahaas la damacsan yahay.
Sidaas oo kale, qoraagu wuxuu diyaarsadaa qorshe iyo hoggaan haga markuu qoraalkiisa bilaabayo. Qorshahaas oo uu qormadiisa ugu kala qaybiyo waaxo, cutubyo, curisyo iyo curis-dhalaamo, waxaa lagu magacaabaa jaangoynta sheekada. Jaangoyntaas waxay tiirar adag ama qalfoofba u tahay dhismaha iyo kala hormarinta qoraalka sheekadaas.
JAANGOYNTA SHEEKADA
Jaangoynta sheekadu waxay u baahan tahay fakar aad ah iyo feejignaan lagu kala meeleeyo afkaarta dulucdeeda. Haddii uu qoraagu bilaabo qoraalkiisa isagoo aan marka hore jaangoynin, wuxuu ku haftaa kala meelaynta afkaarta dulucda sheekadaas ku jirta, taasoo keenta in qoraalkii uu noqdo wax aan dhadhan iyo xiiso toona lahayn.
Tallaabada ugu horreysa ee jaangoynta sheekadu waa weedh sugan oo ku salaysan dulucda qoraalka. Weedhaas ayuu qoraagu u kala jajabiyaa dhacdooyin yar yar oo loo kala hormariyo si suurogal ah. Dhacdooyinkii buu misana u sii kala qaadaa fikradaha ay middood walba ka kooban tahay. Qaybahaas loo kala jejebiyey weedhaas guud, ayaa qoraaga hoggaamiya markuu qoraalkiisa bilaabayo. Qaybahaas waxaa ka dhexeeya xiriir taxan, waxayna go’aamiyaan inta qoraalkaas hordhac noqonaysa iyo inta gabagabo noqonaysa.
Marka uu qoraagu jaangoynayo nooc kasta oo male-awaal ah wuxuu dhibaato kala kulmaa siduu isugu habayn lahaa. Wuxuu haddaba dhibaatadaas furfuriddeeda u adeegsadaa saddex habaynood oo kala jaad ah, kuwaas oo kala ah: Habaynta filka, habaynta meelaynta, iyo habaynta suurogalnimada.
Habaynta filku waxay qoraalkaas u kala hormarisaa siday u kala fil weyn yihiin, siduu u yeesho xiriir macne oo taxan. Dhacdaba tii ay ka hor dhacday bay ka hor qorantaa iyadoo xiriir la leh tii ka horreysay iyo tii ka dambaysayba. Xataa weedhahu waxay u kala hor qormayaan siday u kala fil weyn yihiin. Bal u fiirso curiskaan sida weedhihiisu u kala hormareen:
Tusaale;
“Hurdo ayaan iska dareemay, daal-maskaxeed awgiis, waxaan u luuday dhankii qolka hurdada. Geddi cad baan sariirtii isugu kala bixiyey, islamarkiiba khuuraan afka furtay.”
Haddii weedhahaan dhigmadooda laga bilaabo siday u kala danbeeyaan oo weedha u dambeysa qormada laga bilaabo wax macne iyo ujeeddo ah oo ay samaynayaan ma jirto. Haddaba qorshahaas lagu kala hormarinayo ayaa ah habaynta filka. Haddii aan rabo, bilmatal inaan ka hadlo qoys bulsho oo cusub oo dhismaya, waa inaan marka hore wax ka sheegno isbarashadii labada qof jecaylkoodii iyo arooskoodii intaanan u galin ubadkay iska dhaleen iyo waxay noloshoodu ku dambaysay.
Habaynta meelayntu waxay danaysaa xiriirkii meelaha ama degaammada ay dhacdooyinku ka curteen iyo kala durugsanaaanta waqtiyadii ay dheceen. Marka aad doonayso inaad Muqdisho waxay tahay u sheegto qof aan aqoon, kaagama filla inaad tiraahdo, “Waa caasimadda Soomaaliya.” Waa inaad sheegtaa meesha ay dalka kaga taal, waxyaalaha kale oo caanka ah oo u dhaw sida Badweynta Hindiya, iyo magaalooyinka kale oo ku meersan iyo middood walba intay u jirto. Marka aad arrintaas ku hawlan tahay waxaad carrabka ku dhufanaysaa meelo iyo degaamo aan ahayn kaad u dan leedahay hase yeeshee xiriir la leh waxaad macnaynaysay, kuwaasoo wax ku siyaadinaya waxaad doonaysay inaad gudbiso. Waxaa habaynta meelaynta loo adeegsadaa erayo meeleed sida dhaw, fog, xiga, dhexeeya, korreeya, hooseeya iyo wixi la mida. Bal u dhug yeelo curiskaan soo socda siday habaynta meelaynta raad ugu leedahay.
Tusaale;
“Jirriiban waa degmo ka tirsan gobolka Mudug. Waxay Gaalkacyo oo ah xarunta gobolkaas u jirtaa fogaan dhan 240 mitir. Degmada waxay nolosheedu ku xiran tahay reer-guuraaga. Degmadaas oo Badda Hindiya u dhaw khayraad badeedka kama faa’iideysato.”
Meelaynta deegaan sheeko la xiriira (ka soo qaad, sida Jirriiban), oo aan caan ahayn, waxaa lagu caan bixiyaa meelo kale, oo looga aqoon badan yahay. Taas waxaad ka dareemi kartaa curiska sare oo tusaalaha habaynta meelaynta.
Habaynta suuragalnimadu waxay iyana danaysaa kala hormarinta iyo isku dubbarididda fikradda qoraalkaas suugaameed ku jira si ay u noqdaan wax maskaxda u cuntami kara oo aan gadayn maanka iyo fakarka qofka. Bal u fiirso tuducdaan:
Tusaale;
“Axmed wuxuu Raxmo oo uu weligiis jeclaa guursaday markii aabbihiis dhashay. Wuxuuna curadkiisii u horreeyay ku curtay intayan hooyadiis qaan gaarin.”
Marka uu akhristuhu dheehdo qormadaan wuxuu isla markiiba dareemayaa iska-hor-imaadka fikradaha oy weedhahaasi xambaarsan yihiin. Sidee baa inanku u guursan karaa aabbihiis oo aan dhalan? Sidee buuse ilmo u yeelan karaa isagoo aan hooyadiis la guursan ama ayan qaangaarin? Taasi waxay ka dhigan tahay oraahdii ahayd, “Dhalaankii waalidkood dhalmada baray!” Fikraddaasi waa midaan maanka aadanaha galayn.
Haddaba si ayan fikradahaas is-diidani uga abuurmin sheekada waxaa loo adeegsadaa habayntaan iyada ah, taas oo doorta xiriirinta fikradda aan isburinaynoo taxan.
XUBNAHA SHEEKADA GAABAN
Xubnaha sheekada gaabani ama nooc kasta oo qoraal ahiba, waa waaxyaha ama riciraha uu dhismaheedu ka kooban yahay. Xubnahaas oo dhismo ahaan is-garabsadaa waxay sameeyaan bandhig suugaaneed oo midaysan. Waxay xubnahaasi isugu jiraan: Jilayaal, rakib, luuq, luqo, macne, raad-reeb iyo wixi la mida. Waxaan halkaan ku dhex galeynaa kuwa ugu muhimsan lana xiriira sheekada gaaban.
Rakibka: Waa kala habaynta ama rakibaadda fikradaha iyo dhacdooyinka sheekadu isku hawshay. Haddiise si kale loo yiraahdo waa isku gunudka dhacdooyinka si ay sheeko u togato figteeda dabadeedna ugu soo janjeersato gabogabadeeda iyada oo taxaysa afkaar maskaxdayadu u cuntami karta. Figta waa barta noqodka ee ay ka weecato dareenjiidashada qormadaas tiraabeed, halkaasoo uu akhristuhu ka saadaalin karo gabagabada sheekadaas; isla markaas figto waa meesha ugu xiiso badan qormadaas. Xiisaha iyo dhadhanka sheeko waxay ku xiran tahay sare-u-qaadidda figta xagga dhismaha sheekada.
Sheekada gaabani oo nooca ugu sahlan qormooyinka male-awaalka ahi waxay leedahay hab sahlan ooy isu rakibto. Waxaa rakibkeedu ku salaysan yahay halka mar-dhac oo ugu weyn kaasoo ay kaaliyaan dhacdooyinka yaryar, haddiiba ay jiraan. Haddaan si kale u eegno mardhacaasi wuxuu sheekada u yahay lafdhabar, dhacdooyinka kale oo yaryarina waxay u taagan yihiin addimihii sheekada. Ma jiraan dhacdooyin dhinac orda oo la tartama midda weyn sida noofalka, kuwaasao hadday jiri lahaayeen murgin lahaa afkaarta dulucda sheekada. Mardhacaas weyn ayaa qoraaga sheekada gaabani ku soo bandhigaa farshaxan qoraal oo midaysan oo leh bilow, dhex iyo dhammaad suuroobi kara.
Qoraaga hawshiisa xirfadda u lihi wuxuu rakibka qoraalka u habeeyaa si xiiso iyo u-muhasho leh. Wuxuu akhristihiisa ku khasbi karaa inuu u dhug iyo dhaayo lahaado qormadiisa. Wuxuu ku khasbaa inuu akhristuhu, dhacdo walba ama curis walba oo uu akhriyo badidiisa, isweydiiyo su’aasha ah: Maxaa ku xigi doona? Haddii si kale loo yiraahdo, qoraaga culusi wuxuu hawshiisa u soo bandhigaa si qoraalkaasi hoggaan ugu qabsado akhristaha oo curisba kan ku xiga ugu sii dhiibo ilaa uu ka dhammeeyo sheekadaas.
Jilayaasha: Shakhsiyadda magoogasho waa dadka jilaya ama ay sheekadaasi ku socoto. Waa ciidanka sheekadu ku tiirsan tahay oo aan la’aantood la soo bandhigi karin. Haddii dhan kale laga eego waa dadka haya socodka sheekada oo ay facaayilkooda ku horumarto. Shakhsiyaadkaas loo adeegsaday qormooyinka male-awaalka ah waxaa loo yeelaa qaybna ka qaadanaya bandhigista waayo-aragnimada ay qormadaasi gudbinayso. Dabeecadaha jilaha qormo tiraabeed lagu soo bandhigo waxaa laga dareemi karaa facaayilkiisa, biriirta wajigiisa, hadalkiisa, jecaylkiisa, necaybkiisa iyo wixi la mida. Dabeecaddaasi ama sifooyinkiisa oo dhami waxay inoo muujinayaan shakhsigaasi dad noocuu ka yahay sida tuug, geesi, deeqsi, xaasid, qabiid iyo wixi la mida.
Shakhsiyayntu waa arrin aan looga maarmin curinta suugaanta. Haddii aan dib u dheehanno macnayaasha kala geddisan oo erayga suugaan loo asteeyay waxaan dareymaynaa in macnayaashaasi ay ku wada salaysan yihiin nolosha aadanaha iyo waayo-aragnimadooda, sidaas darteed, shakhsiyayntu waa shay lagama maarmaan u ah curinta suugaanta, mar haddii ay noocyo aadanaha ka mid ah ay u taagan yihiin.
Shakhsiyeynta sheekada gaabani aad bay uga sahlan tahay kuwa qormooyinka dhaadheer ee male-awaalka. Wadnaha sheekada gaabani waa halka ama dhawrka jile oo si fiican uga muuqda dhacdada ama fagaaraha. Hal shakhsi oo madax ah ayaa loo dooraa hoggaaminta sheekada, shakhsiyaadka kale oo yaryarina haddiiba ay jiraan, waxaa loo soo bandhigaa sida ay u caan bixiyaan jilaha hormoodka u ah. Sidoo kale waxaa iyana la soo koobaa dabeecadaha loo yeelayo shakhsiga halyeyga ka ah sheekadaas. Halyeyga sheekada gaaban waxaa lagu soo bandhigaa dabeecad kaliya, taasoo hagta facaayilkiisa iyo himilooyinkiisa. Waa dabeecaddaas midda halyeyga wax jeclaysiisa waxna nebcaysiisa. Sidaan horay u soo sheegnay, sheekada gaaban waxay ku socotaa ama ku horumartaa halyeyga ama ujeeddooyinkiisa iyo xoogag kale oo noqon kara dad, dugaag ama wax dahsoon sida dareen ama dabeecadahaba, iska hor-imaadka ayey sheekada gaabani ugu gurguurataa figteeda dabadeedna guusha xoogaggaas iska soo horjeeda midkood bay sheekadu gabagabadeeda ugu soo guddoontaa.
Qoraaga sheekada gaabani uma madax bannaana inuu siduu rabo sheekadiisa u shakhsiyeeyo, sidoo kale xor uma aha in halyeyga sheekada dabeecadduu rabo siiyo. Shakhsiyeynta sheekada iyo dabeecadaynta halyaygu waxay ku xiran tahay marba nooca waayo-aragnimo oo uu qoraagu rabo inuu sheekadaas ku soo bandhigo. Qoraagu wuxuu sheekadaas u yeelaa dabeecado abaabuli kara dhacdooyin iyo xaalad ku habboon noocaas waayo-aragnimo oo uu soo bandhigayo.
Qoraaga sare wuxuu xirfad fiican u leeyahay siduu akhristayaashiisa u bari lahaa shakhsiyaadka uu abuuray oo qoraalkiisa ku soo bandhigayo. Wuxuu arrintaas u adeegsadaa isagoo u soo guuriya jalbeebsiga shakhsiyaadkaasi, isagoo ka warsheekooda himilooyinkooda iyo waxay damacsanyihiinana, isagoo soo bandhiga ra’yiga ay dadka kale ka haystaan shakhsiyaadkaas.
Deegaanka iyo Muddada
Deegaanka lagu sawiray sheekada ama meeshay sheekadaas ka dhacday ama muddaday dhacdayba waa kuwo bandhigista sheekada qayb weyn ka qaata. Marka dhanka deegaanka loo koco waxaa meesha soo galaya caadooyinkii, dhaqankii iyo hab-bulshadeedkii bulshada meeshaas ku dhaqan. Sidoo kale waxaa iyana soo galaya cimilada, ciidda, dhirta iyo kala-sarraynta dhulka ee deegaankaas. Faallooyinkaas ku saabsan deegaamaynta iyo middaynta sheekada si teel teel ayaa loogu bandhigaa sheekada iyadoo xoog la saarayo meelaha xudunta u ah dhacdooyinka sheekada. Deegaameynta iyo muddaynta sheekadu waxay xoogeeyaan suuragalnimada sheekada. Deegaamaynta waxay kale oo qayb ka qaadataa furfurista dulucda sheekada.
Fagaaraha ay sheekadu ka soo askuntay wuxuu lagama-maaraan u yahay abaabulidda ama qaabinta dhacdooyinka sheekadaa. Tusaalo aan u soo qaadanno sheekooyinka ku saabsan safarka iyo ugaarsiga kuwaasoo kobcidda dhacdooyinkooda ay ku xiran tahay fagaaraha ama deegaanka ay ka aloosmeen.
Qaabduleed, cimilada iyo ciidda fagaarahaas, waxay qayb ka qaadan karaan jaangooyada dhaqanka iyo facaayilka jilayaasha iyo guud ahaan dhacdooyinka sheekadaas. Siiba qaab-duleedka deegaan loogama maarmo furfurista dulucda sheekooyinka ku saabsan dagaalka, fakashada iyo sirdoonka, taas ayaana sal u ah sababta ay qorayaal ama madbacado badni ay buugaagtooda bogga hore ugu soo masawiraan qaabduieedka deggaan ay sheekadu ku salaysan tahay. Mararka qaarkood fagaaaraha ama degaanka sheekadu wuxuu matalaa jile, sida iska-soo-horjeedka halyeyga iyo dabeecadda.
Degaanku wuxuu dhammaystir u noqdaa rakibka sheekada iyo weliba sawiraadda jilayaasha. Wuxuu qoraagu fagaaraha sheekada u qeexi karaa si ka humaag celinaysa dadnimada iyo camalka jilayaasha sheekada. Degaanka uu jiluhu ku soo barbaaray waxay saamayn kartaa camalkiisa, dhaqankiisa, caqiidadiisa iyo himilooyinkiisaba. Akhristuhu sifaalaha degaanka sheekadu ka curtay ayuu ka sii saadaalin karaa jilaha ay barbaarin karto.
Fagaaraha sheekadu waxay kale oo dhaqaajin kartaa dareenka akhristaha. Sawirrada fagaare oo si fiican loo shaqlay ama loo xayeysiiyey waxay xantaxantaynaysaa dareemaha fanka iyo quruxda, kaasoo ay suugaanyahannadu ku magacaabeen dareemaha lixaad. Sidoo kale fagaaraha loo sawiray si hoog ama halisi ku jirto wuxuu kicin karaa dareenka nacaybka ee akhristaha. Bal u fiirso nudaan gaaban:
tusaale;
Qorraxda caarrani waxay si aan naxariis lahayn u kalkalinaysey dhulkii qaawanaa oo coomayey. Maalintaas oo dhan waxay milicdu dubaysey ciiddii, jaballadii, dhirtii, horay u engegtey ilaa ay hawadu isu baddashey hongorre kulayl badan una wirwirtay kor iyo samada bal inay qabow biddo. Qoyaan biyood waxaa noogu sokaysey daruuraha maylalka badan noo jirey oo iyaba hawada kulul oo ka hoosaysey intay saaqday marba kor u sii guranaysey, samadana ka dhistay qalcado waaweyn ooy uga gaashaantaan hubka cadceeddu la damacsanayd.
Agagaarkayaga dhankii loo eegaba kan kaluu naxariis iyo qabow bidayey.
Qormadaani waxay soo bandhigaysaa degaan halis ah oo uu akhristuhu ishiisa maskaxeed ku sawiranayo cimilada, kulaylka, asqada jyo dhibaatooyinka la xiriira biyo-la’aanta deggaankaas ka taagan. Taasi waxay raad ku reebaysaa dareenka akhristaha, kaasoo isla markaas u naaxay jilaha deegaankaas ku dhaqan, halkaas waxaa ku cad sida uu fagaaruhu ama deegaanku uu sheekada u saameeyo.
Hannaanka Qoraalka:
Hannaanka qoraal waa xulashada erayada iyo dhismaha weeraha qoraalkaas. Qoraagu wuxuu xushaa erayadii uu ku soo bandhigi lahaa nooca waayo-aragnimo oo uu gudbinaayo. Wuxuu qoraagu ka jawaabaa weydiimahaan intuusan qoraalkiisa bilaabin: Erayo noocee ah ayaa qoraalkaan u adeegsan doonaa? Ilaa intee ayaan faallooyinka aaraa’da qoraalkaas ku talaxtagi doonaa? Ilaa inteesa ayaan akhristaha fakarkiisa u dhaafi doonaa?” Doorashada hagaha sheekadu waa qayb ka mid ah hannaanka qoraalka. Akhristaha uma dhadhamaan ama kuma raaxaysto xubnaha kale ee qoraalkaas ilaa uu ku qanco hannaanka qoraalkaas.
Qoraa walba wuxuu leeyahay hannaan-qoraal isaga u gaar ah, hannaan-qoraal walbana wuxuu ka hummaag celiyaa camalka iyo dareenka qoraagiisa, sidaas darteed hannaan-qoraalladu waxay u kala geddisan yihiin sida dabeecadaha qorayaashoodu u kala geddisan yihiin.
Qorayaasha qaarkood waxay ku soo bandhigaan waayo-aragnimadooda ay gudbinayaan weedho sahlan oo gaagaaban oo laga dhawray ribbanaan macneed oo qoto dheer. Qorayaal kale waxay dulucda qoraalkooda ku soo gudbiyaan erayo ama weero macne qoto dheer oo falal badan riman. Waxay oraahyadooda isugu jajabiyaan oo misna u farsameeyaan si tiigsan karta ama la tartami karta maansada. Bal dheeho labadaan curis oo soo socda oo dulucdoodu isku mid tahay:
Tusaale
‘‘Waxaan ahayn tirsi kisi ah oon isudheeli tirayn. Hadday sheekada laboba isu togan lahayd midkayo lab ayaan u cid la’ayn. Cali iyo Ismahaan waxay u ekaayeen inay naga qayb bexeen oo hadalkii isla heleen. Sidoo kale waxaa isku saan darsaday Dhooddi iyo Samsan. Aniga iyo Xayir oo midiba kan kale faqdayn ka eegayey, waxaa na soo dhex martay Racwi oo dhan ay isu qaaddo garan la’ayd…”
Bal kan oo la ujeeddo ah, erayadase ka badalanna eeg:
“Lix is-weheshata mid lab baannu dheerayn. Waxay doodi ka taagnayd ninkayagii kalinnimada wehel looga dhigi lahaa. Cali iyo Ismahaan mawjado xoog badan baa gees nooga dhuftay, Dhooddi iyo Samsamna saxiimad dheeraysa ayey ku baqdeen. Waxaa baddu la caaridey aniga iyo Xayir oo Racwi oo dhagax cuskan u baqo tartamayney.”
Qorayaasha labadaan curis oo dulucdoodu isku mid tahay, waxay sawirradooda u kala adeegsadeen hannaanno qoraal oo kala geddisan. Kan hore wuxuu qoraalkiisa u soo bandhigay si toos ah oo ka fog hadallo maldahan iyo weero cuius oo fakarka akhristaha shiila! Haddaan kan kale u leexanno, hadalkiisu waa maldahan yahay. Wuxuu dulucdiisa u soo bandhigay si sarbeeban oo shaki iyo fakar akhristaha u keeni karta.
HAGIDDA SHEEKADA
Hagiddu sheekadu waa u-qof-deyidda sawiraadda sheekada. Qofka tebinaya ama akhristaha u soo gudbinaya ayaa ah kan hagaya sheekadaas. Qoraaga ayaa u doora tebiye ama weriye qoraalkiisa. Doorashada tebiye waxay ku xiran tahay hadba nooca dhacdo ama jaadka male-awaal oo sheekadaasi ku qotonto.
Guud ahaan waxaa jira labo nooc oo sheeko-hage. Farqiga ugu weyn oo weriyeyaashi u dhexeeya wuxuu ka yimaadaa xagga naxwaha. Noocyadaasi waxay kala yihiin: Qofka kowaad iyo qofka saddexaad.
Marka xagga naxwaha loo koco Qofka Kowaad waxaa lagu magacaabaa qofka hadalka wata marka labo qofi sheekaysanayso. Ruuxa dhegaystaha ah waxaa, naxwe ahaan, lagu magacaabaa Qofka Labaad. Kuwa ama kan aan labadaas midna ahayn ee laga yaabo in sheekadoodu ku saabsan tahay, waxaa isna lagu magacaabaa Qofka Saddexaad.
Noocyada weriye ee Qofka Kowaad iyo ka Labaad ayaa kiiba labo jaad loo sii kala qaybiyaa. Kulligood waxay isku noqdaan afar nooc oo sheeko-hage: Tebiyaha Qofka Sadeexaad, hagaha uur-ku-baallaha ah ee Qofka Saddexaad, Qoraaga oo Qofka Kowaad jila, iyo Qofka Kowaad oo la maqaarsaaray.
Weriyaha Qofka Saddexaad waxaa la moodaa inuu ka baxsan yahay ama uusan lug ku lahayn soo-bandhigista noocaas suugaaneed. Weriyaha noocaas ah waxaa si fiican looga dareemaa riwaayadaha. Marka aynu riwaayadaha akhriyeyno ama daawanayno ma aragno ama dhegeysanno ruux si toos ah inoo la socodsiiya dhacdooyinka ama inoo ku soo werinaya, waxaanse aragnaa jilayaal kale oo jilaya riwaayaddii. Haddii aad fakarkaaga dib ugu noqotid waxaad garwaaqsanaysaa in qof kaa dadban, ha ahaado qoraageedii, oo aan soo-bandhigistii riwaayadda ka dhex muuqan uu jiro.
Haddaba tebiyaha noocaasi ah oon si toos ah uga muuqan noocaas tiraabeed oo la soo gudbiyey ayaa ku magacaaban tebiyaha Qofka Saddexaad. Bal dheeho qormadaan gaaban oo hoos ku qoran, adoo u dhugmo yeelanaya sida tebiyeheedu u saameey:
Tusaale;
“Shahmaad waxay xirrayd dharkii caddaa oo astaanta u ahaa caruusadda. Quraxday u dhalatay bilcaantu habeenkaas siyaadaa u dheerayd. Waxaa dhinac ka xigey Huruuse oo isna qaabkiisii hibada ahaa lebbis bilicsan ku qariyey. Waxaa arooska dhinacyada ka socdey Cali iyo qof dumar ah oo dhallinyaro ahaa, kana socdey dhanka qoyska Abuukar. Afarta qof markay irridka xafladdii ka soo galeen baa waxay ku saseen sharqantii jaanta lays ku darsaday iyo indhaha digtoon oo dadkay meesha ugu yimaadeen ay ku eegayeen. Ruux kastoo dhiirranaan u dhashay uma adkaysan karin indhaha iyo xiska digtoon oo dadka meeshaas isugu yimid ay afartaas qof, siiba Huruuse iyo Shahmaad, ku eegaayeen. Afarta qof iyagoo sidii wax sarqaansan saamaha jiidaya, xishood awgiis ayey fariisteen kuraas dadka ka horreysey oo iyaga loogu talo galay. Sawaxankii badnaa baa nuxuusay, dadkiina, qof walba kursigiisii buu salka kula noqday.”
Waxaad qormadaan ka dareemaysaa kaalintii tebiyaha Qofka Saddexaad uu ku leeyahay male awaalka. Sidaad qormadaan ku aragtid tebiyaha noocaan ahi kama dhex muuqdo dulucdii sheekada, mana kasbayo abuuridda dhacdooyinka. Waxaad moodda in tebiyaha noocan ahi kugu leeyahay: “Anigu sheekada kuma lug lihi ama ima saamayso, ha yeeshee sidii wax u dheceen baan kula socodsiinayaa.”
Waxaa tebiyaha aan kor ku soo sheegnay la bah ah weriye kale oo ka yare duwan. Waxaa hagahaasi, markuu mala-awaalka werinayo, inoo soo gudbiyaa wax uusan arki karln ama maqli karin. Wuxuu wax inoo ka sheegaa siduu jiluhu u fakarayo ama wuxuu jiluhu dareemayo. Waxaad mooddaa inuu awood u leeyahay inuu akhrisan karo waxyaalo dahsoon oo khuseeya jilayaasha mala-awaalkaas la xiriira, sida fakarkooda, dareenkooda, jacaylkooda, nacaybkooda iyo wixii la mid ah. Wariyaha noocaas ah waxaa lagu magacaabaa wariyaha Uur-ku-baallaha ah ee Qofka Saddexaad. Bal ka dhex dhadhanso astaamaha weriyaha noocaas ah curriskaan:
Tusaale;
“Xasan intuu kursigii isku dhacdiishey buu inantii wajigeedii daymo ku xaday oo misna gaaddadeedii u dhaafshey markuu arkay in aragga dhaayaheedu ka dadban yihiin. Waxaa ishiisu ku daahday gaaddadeeda oo labo naas oo jaangooyo fiicani ku qotomeen. Wuxuu jeclaystay inuu naasahaas taabasho la gaaro isagoon loogu xumayn. Waxay maskaxdiisu ku hawlanayd siduu u jidaysan lahaa qorshehiisaas iyo halkuu haasaawaha uga bilaabi lahaa inanta oo ku timid ballan ay horay u dhigteen. Inanta oo isaga hadal-fur ka sugaysa, dareentayna inuu iyada daawasho kula maqan yahay ayaa is-maahisey iyadoo iska dhigaysa sidii wax fakaraya oo ka ambaday ujeeddadii ay ballanta ka lahaayeen.”
Haddii aad u dhabbo gashay qormadaan waxaad si fudud u garwaaqsanaysaa in weriyaha curiskaani uu ka afcelinayo fakarkii, dareenkii, iyo qorshihii labada jile oo dulucdu ku saabsan tahay. Haddaba ogaanshaha uu weriyuhu ogaadey waxyaalahaas dahsoon sida fakarka ama sirta jilayaasha, ayuu kula magac baxay uur-ku-baalle ama hibaysane.
Weriye kasta oo isku magacaaba ‘aniga’, markuu nooc suugaaneed inoo soo gudbinayo, waa weriye Qofka Kowaad ah. Haddaba magac-u-yaalka ‘aniga’ wuxuu suugaanta ugu taagnaan karaa labo Qof:
Qoraagii noocaas suugaaneed askumay ama qof kale oo la maqaarsaaray. Marka ay ‘aniga’ qoraaga u taagan tahay, qoraagii ayaa iska dhigaya weriye ka madax bannaan curintii sheekadaas. Wuxuu iska yeelaa ruux soo martay ama toos ay ugu dhacday waayo-aragnimada ay sheekadaasi xambaarsan tahay. Wuxuu akhristaha u rumeeyaa jiraalka ama jiritaanka noocaas suugaameed ee uu werinayo.
Weriyaha maqaarsaaran oo qofka Kowaad ihi wuxuu sheekada u hadlaa siduu isaga naftiisu qoraagii sheekadaas yahay. Waxaa habboon inaad erayga maqaarsaar maskaxda ku haysid. Wuxuu weriyahaani isu ekaysiiyaa isu dhalan rogga qoraagii sheekada. Waxaa tilmaamaha weriyaha noocaan ah tusaalo wacan u ah kan sheekada Mayd Socda. Caasha oo weriye ka ah sheekadaasi ma aha qoraagii askumay sheekadaas, waxaase loo maqaarsaaray in loo ekaysiiyo.
Qalinkii; Cabdiraxmaan Cumar Warsame (feegaar)
Daabacaaddii u horreysay — 1983
Soo koobidii;Mustafa Cismaan Faarax
2020