Sayid Maxamad Cabdille Xasan Iyo Sooyaalkiisii








Hordhac



Taariikhdii Dhalasha Iyo Caruurnimadii Sayid Maxamed Cabdille Xasan Waxaa la weriyey Shiikh Cabdille oo ah Sayidka aabihii isagoo 26 jir ah inuu guursaday gabadha la yidhaahdo Timiro Seed Magan, kuna caan baxdey "Caro Seed" waxaa la yidhi, waxay u dhashay 10 caruur ah, waxaana u weynaa sayid Maxamed, hase ahaatee Shiikh Cabdille carruurtii uu dhalay ayaa waxa la sheegaa inay tiradoodu gaadhaysay sodomeeyo. Shiikh Cabdille Xasan Daraawiish dhiskeedii waa ka qayb galay, dagaallada badankoodiina waa ka tala galay, waxuuna ku dhintay xaruntii Daraawiishta "Baraawe" 1926, qabrigiisuna waxa laga dhisay qudbad (Qudbi) caan ah.
Maxamed Cabdulle Xasan waxuu ku dhashay dhulka loo yaqaan Ciid-mudug oo ah agagaarka Degmada Buhoodle balliga la yidhaahdo "Sacmadeeqo" oo magaalada Buhoodle toddoba mayl u jirta kana xigta dhinaca waqooyi. Wuxuu dhashay guga la baxay "Gobaysane", Waxaana la sheegay ama lagu soo wariyay inuu ahaa gu' barwaaqa ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen. Wuxuu dhashay odoros ahaan markay taariikhdu ahayd 1863. Daraawiish iyo dadkii wakhtigaa noolaa badankeedu waxay sheegeen: Sayidku Maxamed saddex meelood ayuu ka la mid ahaa nabigii"SCW" magaca da'da iyo jihaadka. Hase ahaatee, sheekadaasi inoo caddayn mayso guguu dhashay. Wuxuu ku koray Nugaal, dadkooduna wuxuu ahaa xoolaley daaqsato ah. Guud ahaan xoolaha markaas la haystey waxa ugu badnaa geel iyo fardo. Reer miyigana waxaa badanaaba u taliya roobka iyo baadka dhaqankooduna wuxuu yahay inay gugii iyo dayrtii hadba dhinac u guuraan, mar haddaan dhulku magaalo iyo beero midna lahayn. Dabeecadaha guurguur ayaa qof walba waxay ku abuuraysaa inuu xoola raac noqdo. Sidaas daraaddeed, waxaan odhan karnaa: Sayid Maxamed carruurnimadiisii wuxuu ahaa xoolraac, lamana carabaabin carruurta kale wuxuu kaga duwanaa ama dheeraa. Sidii dhaqanka Soomalidu u badnaa ama raaskuu Sayidku maxamed ka dhashay hiddo u lahaa, toddoba jir baa baa quraanka loogu bilaabay. Macallinkii quraanka u dhigi jirey ee uu ku bilaabay waxa lagu naanaysi jirey "Kud Quraan". Maxamed tobon jirkii buu Quraanka ku dhammeeye, taasina wax lala yaabo ma aha oo ardayda ayaa sidaas u badnayd. Wiilnimadiisii waxa lagu sheegi jirey fahmo badnaan, firfircooni iyo karti dheeraada. Waxa hubaal ah haddii wiilku quraanka dhammeeyo in calaamooyinkii macallimadu ka muuqato, isla markaasna cilmiga barashadiisa lagu gargaaro. Sidaas daraaddeed, ayaa Maxamed aabbihiis kutubta cilmiga ah ugu bilaabay, taasina waxay dhalisay inuu cullimada xerta ah oo cilmiga raacanaysa la fariisto, markay degmada dhex marayaanna raaco oo la socdo. Hase yeeshee, markii dambe xertii buu ku mid noqday, taasina waxay dhaxalsiisay in lagu magacaabo Aw Maxamed Shiikh Cabdille. Magacaasu wuxuu siiyey ama u kordhiyey xurmo iyo xushmo gaar ah oo uu ku helay diinta xaggeeda iyo dhamaan dadkii markaas ka ag dhawaa.

Barashadii Cilmiga ee Sayidka iyo Ka safridii Geyiga Soomaaliyeed.

Dhulka masaajid, madaaris iyo meelo wax lagu barto oo loogu soo hagaago cilmiga midna ma lahayn, oo wuxuu ahaa miyi, waxaase jirey meela xeri deggan tahay iyo dugsiyo quraanka lagu barto iyo meela laysugu yimaado xilliyo aan go'nayn iyo meelo lagu shiro ama diinta lagu akhristo, ama lagu kala warqaato ama waxii dan ah la isku weydaarsado. Waxa kaloo jirey waqtiyaal caan ah oo sharciga islaamku jideeyey in laysu yimaado sida labada iidood oo kale oo wacdi iyo waano la kala qaato.
Intaas wixii ka dambeeyay Sayidku wuxuu u kacay Makka iyo Madina waxeeyna isu raaceen 13 wadaad oo ay isku xer ahaayeen. Sayidka magaalada Maka waxaa ay isku arkeen wadaad Suudaani ah oo Saalix lagu magacaabi jiray, Sayidka waxaa uu ahaa Saalixiya oo ah dhariiqo ka tirsan Suufiyada. Sayidku intuu uu ku suggnaa Makka iyo dhulka barakaysan waxa uu soo bartay cilmi aad u balaadhan oo uu si fiican u darsan diinta islaamka.

Soo Guryo Noqodkii Sayidka iyo La Kulankiisii Isticmaarka

Markii Sayid Maxamed Cabdille Xasan uu kusoo noqday Berbera isagoo xajkii ka yimid sanadku markuu ahaa 1895kii. Waxaa taariikhdu werisey in markii uu Seyid Maxamed kasoodegey doonidii uu lasocday uu ingiriisku weydiiyey in uu bixiyo cashuur, wuxuuna ugu jawaabay: "Adiga yaa cashuurtii kaa qaaday markaad halakan ka soo degtay?” Intaas kadib wuxuu tagay miyiga Berbera wuxuuna faafin jiray diinta Islaamka isagoo umadda uga digi jiray inay is dhacaan iskuna duulaan. Wuxuuna heshiis ka dhex beeri jiray beelaha wada degan haddii ay isqoonsadaan. Sidaa awgeed, Ingiriisku wuxuu Sayidka u arkayey ugu horraynba inuu ahaa nin laga dambeeyo oo awood u leh inuu xasiloonaan ka dhex dhaliyo qabaa'ilka Soomaaliyeed. Kuxigeenkii qunsulkii Ingiriiska Berbera u fadhiyey waxa uu xidhiidh joogta ah la lahaa Sayid Maxamed, haddii qas dhaco oo miyiga ka dhacana waa lala socodsiin jiray waxaana laga codsan jiray inuu wax ka qabto.
Ingiriisku waa ogaa in Sayid Maxamed leeyahay xer badan hase yeeshee marnaba kama cabsanaynin odoroskana kumana jirin halgan gobonimodoon ah oo ka bilowdo gayiga Soomaaliyeed. 1899kii waxaa laysa dhex mushaaxay magaalada Berbera Ingiriiskiina soo gaadhay in Sayid Maxamed uu uruursanayo rag iyo saanad si uu ugu duulo una qabsado degmooyinka Koonfur Bari. Dawlada Ingiriisku waxay ku dhaqaaqday inay arintaa isku taxalujiso si ay u ogaato runtu waxay tahay, hase ahaatee Ingiriiska uma suuragalin inuu si sahal ah ku ogaado Sayidka iyo akhbaartiisa waayo dadkii Soomaliyeed ee reerguuraga ahaa baa diiday inay Ingiriiska u xogwaramaan markii la waraystay.
April 12, 1899kii qunsulkii sarre ee Ingiriiska Gaashaanle Sare J. Hayes Dawson waxaa soo gaadhay warar sheegaya in Sayid Maxamed madax ka yahay ciidamo hubaysan oo tiradoodu gaadhayso 3000 uuna tabaabusho ugu jiro duulimaad ba'an oo uu Ingiriiska kusoo qaado. Bishii August 1899kii waxay ilaaladii Ingiriisku soo sheegtay in Sayid Maxamed yimid Burco isaga oo wata ciidamo 5000 ah oo 1500 oo kamid ahi ay fardooleey yihiin, 300 oo ka mid ahina ay banaadiikh haystaan. Burco waxay ahayd meel xagga tabcooyinka dagaalka aad ugu haboon waayo biyo joogta ah bay lahayd xilliyada abaaraha ah. Sayid Maxamed Cabdille Xasan waqtigaa wuxuu si badheedh ah ugu dhawaaqay inuu dagaal muqadas ah oo gobonimo doon ah Ingiriiska kula jirro asgartiisiina wuxuu u baxshay Daraawiish, wuxuu u faray qabaa'ilka Soomaliyeed oo dhan inay la dagaalamaan, jihaadka liddiga gaaladana ay la galaan.

Isabaabulkii Isticmaarka

Bishii November 1900, waxaa dalka Soomaaliya yimid Gaashaanle Sare Swayne si uu u hogaamiyo duulimaadkii u horeeyay ee Sayidka lagu qaadayey. Swayne kuma uu cusbayn dalka Soomaaliya ee hadda ka hor buu soo raacay walaalkii S. S. Swayne oo ahaa ninkii dalmareenka ahaa ee sahanka ku maray degmooyin badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya, ninkaa oo ahaa kii qoray buugga la magac baxay Seventeen Trips Through Somaliland oo macnaheedu yahay Todoba iyo Toban Socdaal ee Soomaliya Lagu Maray.
Gaashaanle Sarre Swayne waxaa loo xilsaaray inuu dhiso ciidamadii Sayidka laga horgayn lahaa wuxuuna adkeeyay heshiiskii uu Ingiriisku la lahaa Xabashida, waxayna go'aan ku gaadheen in ciidamo huwan ah ay Daraawiish ku kacaan sidaa daraadeed wuxuu Ingiriisku dalka Itoobiya u diray Gaashaanle sare oo ka tirsanaa ciidamadii la odhan jidhay Royal Guards, ninkaasi oo soo gaadhay Herer April 1901 si uu u soo qabanqaabiyo una tababaro ciidamo dhinaca galbeed ka weerara Sayidka.
Dawlada Ingiriisku waxay isku dayday inay Sayidka kula isticmaasho siyaasad la mid ah tii boqoradii Hindida ay kula dhaqantay oo ah inay maal badan iyo mushaaro joogta ah siiso. John Talon, Maarso 3, 1910 wuxuu baarlamaanka Ingiriiska kasoo jeediyey hindise laysku raacay oo ah in Sayidka sanadkiiba la siiyo 2,000 oo Istarliin (Lacagta Ingiriiska.) Hase yeeshee Sayidku gaashaanka ayuu ku dhuftay arintaas wuxuuna u sheegay Ingiriiska inuu doonayo gobonimo, gobonimadana aan la gorgorin karin.

Taariikhda Sayidka ayaa waxaan markasta ka maqnayn hal abuurnimadiisa iyo maansooyinka kala duwan ee uu hawada u mariyo kolba cidii uu wax u sheegayo ama la hadlayo, gabaygan soo socdaa waa gabaygii uu Sayidku u mariyay Ingiriiska ugu sheegayay inaanu heshiish la galin isticmaarka.

"Nimanyahoow damiinimada waa lagu duloobaaye Dadku wuxuu jeclaystaa waxaan duxi ka raacayne Anaa diidaday dagal inaan la galo daalin ii col ahe
Dalka ma lihid anigaa ku idhi dooro weynaha e Anaa diiday nabadiisa aan daacad noqonayne Anaa diiday deeqdiisa ay naari dabataale
Anaa diiday maantuu lahaa duunya iga hooye Markay duusho gaaladu anaan daabada u qabane Kolka ay dareeraan anaan duud xamaal noqone
Dahabkii uuu waday waa anigii daadiyoo qubaye Dagaalkiisa anigoow xishayoo daalib ku ahaaye Durdurada Fardowsaad anaa doortay oo rabaye
Diinatayda anigaan ku gadan dabaqii naareede Anigaan dariiqada Alliyo diinta caasiyine Anaan labada daarood tan horre darajo moodaynin
Daliilkii Rasuulkii anigaa doonayoo helaye (SCW) Doofaarka eyga ah anigaan daarihiis galine Anigaan dillaalkii arliga duubabka u xidhane"

Dagaaladii Dhex Maray Sayidka iyo Isticmaarka

1900-1920-kii, 41 goobood ayay ciidamada Daraawiishta Ingiriisu ku kulmeen, kuwi ugu waaweeynaa ama dagaalka xumi ka dhacay waxaa kamid ahaa: Afbakeeyle, Faradhiddin, Cagaarweeyne, Daratoole, Jidbaale iyo Dulmadoobe (August 1913kii). Duullaankii koobaad iyo kii labaad oo bilowday 1899 waxa ay dhamaadeen October 6, 1902 dii. Goobihii Ingiriiska iyo Sayidku ku kulmeena waxaa ugu weynaa Af-Bakayle iyo Fardhidin. July 3, 1903 dii waxaa dhamaaday dagaalkii saddexaad oo intuu socday Sayidka iyo Ingiriisku Bari iyo Waqooyiba ku dagaalameen.
August 1913kii waxaa dhacay dagaalkii Ruuga (Dulmadoobe) oo ahaa kii lagu dilay taliyihii ciidamada Ingiriiska Richard Corfield, gaalkaasi oo Soomalidu u taqaanay Koofil ahaana ninkii Sayidku ka tiriyey gabaygii caanka ahaa, ee Adaa Koofiloow Jiitayoon. Waxaa kale oo halkaasi ku geeriyooday saraakiil badan oo Ingiriis ah oo uu ka mid ahaa Dhame J. S. Summers.

"Adaa Koofiloow jiitayoon dunida joogayne Adigaa jidkii lagugu wadi jimic la’aaneede Jahanaba la geeyoow haddaad aakhiro u jahato Nimankii janno u kacay war bay jirin inshaalleye Jameecooyinkii iyo haddaad jowhartii aragto Kuwase naarta joogiyo markaad jananadii gaadhid Sida Eebbahay kuu jirabay mari jawaabteeda"

Ingiriiska waxaa u muuqatay dagaal badheedh ah in aan waxba Sayidka lagaga qaadaynin haddii aan la badalin tabcada lagu socdo. November 1918kii gudi uu madax ka yahay General Hopkins oo loo xilsaaray inay darsaan xaallada Daraawiishta talooyin dagaaleedna ay Ingiriiska siiyaan ayaa yimid dalka Soomaaliya. October 1919kii baarlamaanka Ingiriisku wuxuu go'aan ku gaadhay inay Sayidka siddii dawlad xoog leh oo kale ula dagaalamaan, ayna duulimaadka ka qeyb galaan ciidmada dhulka, cirka iyo badduba.
Ciidamada Ingiriiska ee barrigu waxba waa ka tari waayeen Sayidka waana usoo dhawaan waayeen Taleex iyo qalcadihii kale. Sayidku wuxuu ku caan baxay tabco iyo taaktiko dagaal. Ugu dambayntii Janaayo 21, 1920kii, waxaa Sayidka lagu soo kacshay dayuuraadka dagaalka waxaana weeraradaa hogaaminayey Dhame Duuliye Gordon wuxuuna Ingiriisku isticmaalayey diyaaradaha noocoodu ahaa DH9, waxayna duqeeyeen Taleex, Jiidali iyo xarumihii Sayidka oo dhan. Sidaa darteed, Daraawiishtu waxay ahaayeen urur gobonimodoon ah ee adduunyada ugu horeeyey ee dayuuradaad lagula dagaalamo. Taasina waxay muujinaysaa dhiiranaantii iyo halgankii Daraawiishtu gobonimada usoo galeen.
Ingiriisku wuxuu ugu dambayntii go'aan ku gaadhay inuu Sayidka u diro ergo ka kooban maashaa'ikhdii Goboladda Waqooyi oo kala ahaa: Sheekh Ismaaciil Sheekh Isxaaq madaxii dariiqada Saalixiyada, Skeekh Cabdullahi Sheekh Madar madaxii dariiqada Qaadiriyada, Sheekh Maxamed Xuseen iyo cuqaal fara badan ooy ka mid yihiin Caaqil Cali Aadan, Caaqil Jaamac Madar, Caaqil Ibraahim Warsame, Caaqil Xirsi Xuseen, Caaqil Xaaji Cabdullahi Jaamac, iyo Caaqil Cali Guuleed. Ergadaa ka koobnayd maashaa'ikhdii dariiqada iyo todobada Caaqil waxaa loo diray ergo ahaan Sayidka waxayna wadeen warqad Ingiriisku ku warsanayey Sayidka inuu ergadaas soo raaco. Ergadii waxay ka baxday Burco April 9, 1920kii iyadooy hogaaminayeen labadii nin ee warqada jawaabta ah Sayidka ka keentay, Xaaji Cismaan iyo Sheekh Cali.
16 casho oo socod ah ka dib, April 25, waxay soo gaadheen Qoraxay oo xarunta Sayidku u jirtay 40 mile. Sayidku ergadii waxa uu amar ku siiyey inay Ingiriiska ku noqdaan una sheegaan inaan Sayidku marnaba isdhiibaynin.

Gunaanad Geeridii Sayidka & Dardaarankiisii.

November 23, 1920kii ayuu Sayid Maxamed, naxariistii janno Allaha siiyee, si caadi ah u
geeriyooday isagoo gacanta ku haya gamaskii xornimada iyo gobonimada. Allaha u Naxariistee Sayidku wuxuu ku geeriyooday aaga Webi Shabeelle degmo ku taalo gaar ahaan Degmada Iimey. Sayidka iyo intii la socotay oo ku sugan Iimey oo ka tirsan Soomaalida Itoobiyada maanta, waana deegaan Caruuso. Ka dib wuxuu Sayidku galay guri halkaasi uu ku lahaa, waxaanu ku yidhi Raggii la joogay yaan la ii iman, laakiin duhurkii ka dib ayuu u yeedhay laba hablood oo ay walaalo ahaaheen oo kala ahaa Jamaad iyo Rooxo, waxaanu u sheegay inuu xannuun hayo, markii casarkii la gaadhay ayuu u yeedhay Abshir Dhoorre oo ka mid ahaa ragga ugu dhaw Sayidka, waxaanu ku yidhi” Galabta culays baa I saaran ee Daraawiishta kala maamul, Markii la gaadhay makhribkii ayuu hablihii ay walaalaha ahaayeen iska diray, waxaanu ku yidhi iska taga oo Abashir Dhoorre ha ii yimaado. Markii Abshir Dhoorre u tegay ayuu arkay Sayidkii oo naftu ka baxday, markuu hubsaday inuu meyd yahay, ayuu maro saaray, ka dib laba nin oo gaadh ahaa ku yidhi yaan aqalka cidi gelin. Ka dib wuxuu Abshir u yeedhay dhawr nin oo ka mid ahaa Daraawiishtii ugu dhawayd Sayidka iyo weliba qoyskiisii, si uu ugu sheego geerida. Raggii arrintaasi loo bandhigay waxa ka mid ahaa Sh. Yuusuf Cabdille oo Sayidka walaalkii ahaa, Xuseen Faarax iyo Aw Cabdiile Ibraahim, waxaana lagu tashaday in la aaso oo la qodo xabashii, sidoo kalena aan la ogaan warka geerida si aanu u maqal Ingiriisku, halkaas aya lagu aasay Sayidka. Wixii reer Sheekh Cabdille ahaa iyo dadkii aan ka hadhi karini waxa ay tageen gurigii reer Daadhi oo ka tirsanaa qoomiyada Oromada, oo ay ku dhaqnaayeen Reer Cabdulle Xasan. Intii kale waxa ay noqdeen kuwa Bari iyo Nugaal u kaca iyo weliba kuwa webiga Shabeelle hoos u qaada oo Talyaaniga u galay.
Markuu geeriyooday Sayid Maxamed gumaystuhu wuxuu isku dayey inuu daboolo halgankii uu soo galay iyo ujeedooyinkii uu lahaa ee uu u dagaalamayey in ka badan 21 sanno. Waxa uu Sayidku mutaystay in lagu qorro magaciisa iyo taariikhdiisaba baal dahab ah waayo waxa uu u diiday gumaysiga inuu ku lado dalka Soomaaliyeed. Taariikhdii koobnayd ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan iyo halgankii muqadaska ahaa ee uu kula jiray gumaysiga waxaan kusoo afjaraynaa tuducyo kooban oo ka mid ahaa gabaygii caanka ahaa ee Sayidku mariyey dabayaaqadii noloshiisa ee la odhan jiray Dardaaran.

0 Comentarios

//]]>