EEBBE (SCW) INNAGAA U BAAHAN!



Waxa uu soo galay maqaaxi si uu uga qadeeyo miis dhinac yaalay ayuu fariistay qadana wuu dalbaday, intii dalabkiisa loogu maqnaa ayaa waxaa soo ag fariistay mulkiilihii maqaaxida way wada sheekaysteen, si kedis ayuu mulkiilihii u yiri;
"Eebbe ma jiro"
wuu yaabay wuxuuna yiri;
"Sabab?! maxaad sidaas u tiri"
Mulkiilhii ayaa yiri "Daaqadaas istaag oo fiiri, waxaad arkaysaa kumanaan ciyaal ah oo aan haysan hoy iyo hu' ay dhaxanta ka dugsadaan, waxaad arkaysaa kumanaan bukaan ah oo aan dawo iyo dabiib toona haysan, waxaad arkaysaa kumanaan niyad jabsan oo walwal iyo walaac weheshaday noloshana qar dheer ka saaran oo inay ku dhacaan halis ugu jira, Marka Eebba haduu naxariis badane yahay oo uu jiro sidee buu u ogolaaday inay waxaas oo dhacaan?"

Kalyantigii wuu yaabay su'aashaasna wax jawaab ah uma helin, Mawjado feker ayuu dhex muquurtay, intuu fakarkaas ku jiray ayaa dalabkiisii loo keenay wuu qadeeyey tartiibna wuu isaga baxay oo gurigiisii ayuu u har tagay asagoon suaashii jawaab u hayn intui wadada sii socday ayuu wuxuu la kulmay maskiin wadada dhinaceeda calooshu isku noqotay gaajo darteed, Dib ayuu makhaayadii ugu noqday mulkilhii ayuu u tagay kuna yiri "Ma jiraan wax makhaayda ah oo adduunkan ku yaal"
Mulkiilihii ayaa yaabay oo yiri;
"Oo hadda meeshan aad joogtid cabbaar ka horna aad ka qadaysay makhaayad ma ahan miyaa?!"
Kalyantigii ayaa yiri "Oo haday makhaayad cunto laga cuno tahay muxuu maskiinkaas wadada dhinceeda gaajo ugu dhimanayaa!?"
mulkiilihii ayaa yiri "Asaga ayaanan makhaayada cuno usoo doonan"
kalyantigii ayaa isna yiri " Dadku ayagaa Alle u baahan, sababtoo ah baahidoodi waa joogto tan iyo maalintii ay dhasheen, laakiin iyagu uma tagayaan markay u baahdaan, oo meele kale ayey u gargaar dalbaan,  waana sababta aan ugu aragno Adduunyadan dhib iyo xanuun aad u tiro badan"

0 Comentarios

//]]>