IS DIIDOOYINKA TACLIINTAYDA




Toban sano ka hor ayaan ku biiray xer kitaabada axkaamta iyo fighiga looga bilaabay masaajid xaafadayada u dhowaa safiinaha ayaan ka bilaabay ilaa aan meel fiican ka gaaray kitaabada fiqhiga iyo axkaamta, Mashaaikhda kitaabada inoo marin jiray waxay aad uga digi jireen fitnada wahaabiyada ayagoo ku eedayn jiray inay yihiin bidco ay kasoo horayso gaalaysiinta muslimka iyo banaysiga dhiigooda.

Dugsigaygii sare maclinkii ii dhigi jiray maadada diinta qaybaha towxiidka ayuu aad u kala dhigdhigi jiray, Sidoo kale Shirkiga iyo gaalnimada ayuu mid walba labo u qaybin jiray;

-Shirki wayn (Shirkul akbar)
-Shirki yar (shirkul asqal)
-gaalnimo wayn (kufrul akbar)
-gaalnimo yar (kufrul asqar)


Wuxuu si maldahan u sheegi jiray in qayb muslimka kamid ah ay shirkiga noociisa yar ay ku dhacaan, wuxuu tusaale usoo qaadan jiray Qaadiryada soomaaliya oo mararka qaar madiixood ku lara magacyo culumo xilliyo hore eebbahood oofsaday,
wuxuu marwalba dhihi jiray towxiidku wuxuu u qaybsamaa seddex qaybood.

BAL SIDEE KU AAMINAA INUU TOWXIIDKU SEDDEX U QAYBSAMO ANIGOO LAYGU SOO ABABIYEY INUU MID KALIYA YAHAY !!?

Kadib markii aan dhameeyey dugsiga sare waxaan bilaabay akhriska kitaabada falaasifadii muslimiinta oo ugu horeeyo Abuu Xaamid Alqasaali, waxaan u dhaba galay tasawufka iyo suufinimada dhabta anigoo aqoon badan ka siyaadsaday qoraaladii ay ka tageen suufiyadii qarniyadii dhaxe. Si guud raadadka aqooneed ee ay suufiyadii hore ka tageen waxay aad u adkaynayaan in towxiidku uusan qaybsamin oo uu yahay hal mid.

BAL SIDEE KU AAMINAA INUUSAN TOWXIIDKU QAYBSAMIN ANIGOO DUGSIGA SARE KUSOO DHIGTAY INUU QAYBSAMO !!?

Jaamacad ayaan galay manhajka jaamacada waxaa ku jiray maado la yiraahdo Al Caqiidah, sheekha maadadan dhigi jiray wuxuu isku dayi jiray inuu sharaxaad badan naga siiyo qaybahii towxiidka ee aan dugsiga sare kusoo qaatay asagoo daliilo kasoo qaadanaya kitaab uu qoray Maxamad binu Cabdiwahaab asagoo ugu yeeri jiray (sheekh ul islaam) sidoo kale daliilada wuxuu ku xoojin jiray hadalo uu kasoo qaatay Ibnu Taymiyah, Falsafada aad ayuu uga dayrin jiray barashadeeda asagoo dhihi jiray waa lagu fitnoobaa wixii laguu sheego siday tahay u qaado ayuu ku celcelin jiray mararka qaar waxaan is oran jiray sheekhu ma wuxuu leeyahy ha fakerin, Mararka qaar wuxuu si sarbeeban u eedayn jiray falaasifadii muslimiinta asagoo leh wax aysan shaqo ku lahayn bay doonteen.

 BAL SIDEE KU AAMINAA INUU TOWXIIDKU SEDDEX U QAYBSAMO ANIGOO LAYGU SOO ABABIYEY INUU MID KALIYA YAHAY !!?

Kadib waxaan ku biiray koorso fogaan arag ah oo ku saabsan Argagaxisada iyo La Dirirkooda, barfasoorka casharka isiin jiray wuxuu is dul taagi jiray in seeska argagaxisadu uu yahay fekerka Salafiga jihaadka ku dhisan inta fekerkaas dad haysta ay joogaana aanan laga guulaysan karin argagaxisada, Daraasado iyo buug badan oo ku saabsanaa mowduuca kooraskaas oo aan akhriyey waxay Boqortooyada Sucuudiga iyo Maxamad binu Cabdiwahaab ku eedaynayeen inay iyagu ibafur u ahaayeen argagaxisada adduunku uu maarada u waayey.

BAL SIDEE KU AAMINAA IN SHEEKHII UU MACLINKAYGU DALIILSAN JIRAY INUU ARGAGAXISADA SEES U AHAA !!?

0 Comentarios

//]]>