QADIYADA FALASTIIN IYO QIIRO JABAANTA DADYOWGA CARBEED



“Hal bilyan iyo bar muslimiin ah ayaa sugaya shimbirihii Abaabiil si ay u ciribtiraan oo dhagaxaan dab ah ugu duqeeyaan 8 milyan oo Israa’iiliyiin ah! Illaah baan ku dhaartaye hadii ay shimbirahii Ababiil yimaadaan, dhagax annaga ayey nagu duqayn lahaayeen!
Najumudiin Arabkaan
Falastiin waa qalbiga carabta, waana beerkoodii, waana mida soo ifisa xoog, geesinimo iyo naf hurid, sidaa darteed qofkasta oo sita magaca Falastiin wuxuu astaan ​​u yahay naf hurid iyo jacaylka wadankia hooyo, waxaad heleysaa caruurteeda oo u huraya dhiigooda, iyo naftooda ciidooda darteed .

Qadiyada Falastiin waa qadiyad Carbeed guud ahaana waa mid muslimka oo dhan ay waajib ku tahay inuu ku difaaco af ama adin hadba kii uu haleelo, in Falastiin gobonimo hesho waxaa ka horeeya in dadka carbeed caqligood la xoreeyo oo gumaysiga iyo gunnimada maskaxda ka haysata ay ka xoroobaan.
Salaaxu-diin Falastiin baryo iyo tuugmo kuma uu xorayn ee seef ayuu ku xoreeyey, Maantase kolkii ay Yuhuudu qof Falastiini ah ku disho magaalada barakaysan ee Qudus waa la cambaareeyaa kadibna horay ayaa looga sii talaabsadaa, kolka ay Yuhuudu wayday wax canaanta dagaalba iska daaye ayey sidii ay rabaan ka yeelaan shacabka dhiban ee Falstiiniyiinta ah.

CARABTU HAL MAALIN AYEY QATAR 🇶🇦 ISKU BAHAYSTEEN HALKA 70SANO AY ISAGA DHICIN LA'YIHIIN ISRAAIIL 🇮🇱

Tan iyo geeridii Xusni Mubaarak (Madaxwaynihii hore ee Masar) kadib Qatar waxay taageertay Akhwaanul Muslimiin iyo madaxwaynihii dumqaraadiyada lagu doortay ee Muxmmad Mursi, arrintaas waxaa aad uga carooday israaiil sababtoo ah Masar waa meesha ugu istiraatiijasan ee dagaal looga qaadi karo israaiil waa gobtii uu ka bilowday dagaalkii Yom Kippur, Israaiil waxay carabta Khaliijka iyo Masar oo uu haysto Siisi ay ku cadaadisay in xiriirka loo jaro qatar si ay u yarayso taageeradeeda Ikhawaanka, halkaas waxaa fursad ka helay Iran iyo Turkey oo u oomanaa sidaa ay saamayn muuqata ugu yeelan lahaayeen Bariga dhaxe.
Kadib Israaiil si ay uga hortagto saamayn walba oo Iran iyo Turkey-gu ku yeelan karaan Qadiyada Falastiin waxay go'aansatay in ay wadamo carbeed ay la yeelato xiriir dublamaasiyadeed ayada oo maraysa ilaaliyaheeda iyo dhowraheeda mar walba (America) oo wadamada carabtu badankood ay u dabran yihiin kolkii uu u baahdana seetada uu ka furo oo uu dhinaca uu doono u hogaansado.

FALSAFADA PAN-ARABISM WAA WADADA KALIYA EE FALASTIIN LAGU SOO CELIN KARO
Aragtida Pan-arabism (Carabnimo) waa midnimada dalalka carbeed aragtidan waxaa aad ugu ololeeyey madaxwaynihii hore ee Masar aun Jamaal Cabdinaasir juhidi iyo dadaal badan ayuu ku bixiyey sidii uu u midayn lahaa awooda carbeed waxuu uu shirar u qabtay Madaxdii dowladaha carabta laakiin wuu ku guuldaraystay in uu aragtiyahooda mideeyo ilaa uu markii uu quustay uu yiri;
Carabi waxay ku heshiiyeen inaysan weligood heshiin. -Jamaal Cabdinaasir
Hada carabi inay midowdo iska daaye mid ayey ugu kala dhuumanayaan Israail ayagoo u kala ordaya.

Uma malaynayo fiidiyowda iyo sawirada qiirada leh ee ka imaan Bayt al maqdis inay sababi doonaan xornimada maanka ummadaha carbeed.
Shacabka carbeed waxaa ceeb ugu filan inaysan ka dhiidhiyin ficiladii ay qayb kamid xukuumada carabta xiriirka israaiil u cadiyeeyeen.

Muxmmad Al maaquut oo ahaa qoraa iyo filim sameeye reer siiriya ah wuxuu
In la xoreeyo maanka iyo maskaxda dadka Carbeed ayaa ka adag in la xoreeyo Falastiin
"Sooyaalka Taariikhdeduna wuxuu ku tusayaa inay markaste Gacanta ugu jirtay Qolada markaas Gacan-Sareysa. Magacaabisteduna ma ahan Qadiyad Siyaasadeed ee waa Loolan Diimeed oo soo jireen ah. Shalay Qudus waxay Gacanta Muslimiinta uga baxday Qoray-Caaraddii, Maanta isla Dariiqaas ayay kusoo Laaban kartaa."
Eng Xuseen Sabriye

0 Comentarios

//]]>