قَالَ الله تَعَالَى: وَالَّذِينَ يُؤْذُونَ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ بِغَيْرِ مَا اكْتَسَبُوا فَقَدِ احْتَمَلُوا بُهْتَانًا وَإِثْمًا مُبِينًا [الأحزاب:58] .
"Kuwa ku dhiba Mu'miniita Rag iyo Haweenba waxayan kasbanin waxay xambaarteen Been abuurasho iyo Dambi cad." AXZAAB 58
أَفَغَيْرَ اللَّهِ أَبْتَغِي حَكَمًا وَهُوَ الَّذِي أَنزَلَ إِلَيْكُمُ الْكِتَابَ مُفَصَّلًا ۚ وَالَّذِينَ آتَيْنَاهُمُ الْكِتَابَ يَعْلَمُونَ أَنَّهُ مُنَزَّلٌ مِّن رَّبِّكَ بِالْحَقِّ ۖ فَلَا تَكُونَنَّ مِنَ الْمُمْتَرِينَ
"Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yaan u Dooni Xaakim Isagoo idiin soo Dejiyey Kitaabka oo la Caddeeyey kuwaan Siinay Kitaabka waxay Ogyihiin in Quraanka laga soo Dejiyey Xagga Eebahaa ee ha Noqonin kuwa Shakiya." ANCAAM 114
___________________________________________
Soomaalidu waa bulsho ay ku badan tahay shakhsiyada dareenka caadifadeed isaga laran yahay, Bulshadeenu waxay ku maahmaadaa "Hubsiimo, Hal baa lasiistaa" laakiin bulshadeenu hubsiimada inay hal siistaan iska daayee taano uma quuraan.
Bulsho weliba waxay leedahay dhaqan u gaar ah oo u baadi sooc iyo astaan ah laguna garto laguna tilmaamsado,
Waxaa jira labo shakhsiyadood oo caadifadu siyaabo kala duwan ugu milan tahay noloshooda;
• Qolo waxbaratay laakiin aan waxba fahmin diinta aan wax badan ka aqoon, aqoonta maadiga ahna in ay shaahooda ku dhacsadaan ka bartay, Qolodaas oo marka arrin dhaqanka ama diinta ku saabsan wax la iska waydiiyo seeftooda galka kala baxa qofka arrintaas ka hadlana ku dhajiya shaabad ay ku mariiman tahay Calmaaniyad ama Gaalnimo, walow mar-marka qaar ay dhici karto ujeedo qabiil inay ka duulayaan.
• Qolo waxbaratay xoogaanna fahmay laakiin aqoon aad u xeeldheer aan u lahayn diinta iyo dhaqanka suuban ee bulshadeena, qolodaas oo marka ay qalinka qaataan ka hadla arrimo muran un keenaya oo aan xal waara laga gaarayn, marna lagama yaabo qolodaas in ay ka hadlaan wax bulshadu u baahan tahay dood adag oon kala dheeraansho keenayn.
Ugu dambeyn horaa loo yiri "Cilmiga ha laguu dhigee caqliga Kaasho baa la yiri" -Khadro Daahir.

0 Comentarios