Maana Faay iyo Aanadii Nageeye waa labo kamid ah noofalada hirgalay ee
Soomaalida.
Maano waxa ay ibbo-fur u ahayd casriga sheeko fanneeda Soomaalida
waxaana la dhihi karaa jid cusub ayey u jeexday habwerinta sheeko fanneeda
Soomaaliyeed, farshaxanka Dr. Afrax 'Eebbe ha u naxariistee' aad ayey bulshada
Soomaaliyeed ula dhaceen iyada oo ay Maano Faay noqotay buugga ugu caansan, ugu
qaalisan, ugu iibsiga badan ee dhanka Soomaalida. Qisadan ayaa kusoo banbaxday
xilli ay taxane ka ahayd wargayskii Xiddigta Oktoobar sannadii 1979kii, Maxamed
Aadan Sheekh, Guddoomiyihii Jaamacadda Ummada, Soomaaliya ee siddeetamaadkii
ayaa yiri;
"Dadweynuhu, Muqdisho iyo meel kasta oo Xiddigtu gaartaba, wuxuu u muujiyey xiisayn iyo soo dhoweyn aad u ballaaran oo aan hore loo arag, ilaa xad Wargeysku codsigii dadweynaha buuxin kari waayey, tiro kastoo lagu kordhiyey ee dhawr jeer la laba jibbaaray oo saddex jibbaaray! Bixiddaas faraha badan iyo xiisahaas xad-dhaafka ah maxaa keenay? Waxa ugu dhow oo loo malayn karaa waa in sheekadani si waaqici ah u dhex-gashay nolosha bulshada; qoys iyo qof, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, intuba dareemeen in ay hab-nololeedkooda taabaneyso, iney uga dardaar werineyso fal-celiska dhaqankooda sii doorsoomaya, una sii tilmaameyso cawaaqibkiisa. Sidoo kale, waxay waalidku ka dhex arkayaan khaladaadka qaarkood ka galaan barbaarinta ubadka iyagoo wax toosi is leh."Maana-Faay waxay soo baxday xilli heerka wax akhris ee bulshadu uu aad u liito, ay yaryihiin ama aysan jirin sheeko faneedyo ka horreeyey oo soo baxay,xilli uu Soomaaligu uu qornaa muddo ka yar toban sanno, dhammaan arrimahaa iyo kuwo kale oo ay sheekadu la kowsatay waxay ahaayeen caqabaddo ay adagtahay in ay ka gudubto balse farshaxanka,habqoraalka tiraabta toolmoon iyo waaqac ka hadalka uu Dr Afrax sheekada seeska uga dhigay ayaa ku guulaystay in ay sheekadu heer sare gaarto illaa loogu yeero 'Hooyada sheeko fanneeda Soomaaliyeed'
Bare sare Mustafa Feyruus oo ka hadlayey waxa ay sheekada Maana Faay ay goonida la tahay
ayaa yiri;
"Maana-faay waxay ku hadlaysaa af Reer xamar, Cumareey afka ciyaalka xamar, Jaamac Dhegeyna afkuu miyiga kala yimid, Kulmiyena afka dhallinyarada reer magaalka. Sidoo kale, qoraagu wuxuu adeegsanayaa hadal ku habboon marba mawqifka iyo maqaamka la joogo; u fiirso wuxuu Axmed jaamac kala doodayaa saaxiibkii Kulmiye arrimaha uu ku khaldan yahay, halka uu aabbihii Jaamac Dhegey aad uga gaabsanayo ixtiraam dartiis, waa siduu dhaqanku yahay e!"
Aanadii Nageeye
saddex gabay hadii aan tirshoon arar sifaaleeyo siduu yahay ma wada sheegi karo nuxur sansaankiise waa buug jacayl kuu sidiyo damaq xasuus tiise ~ Faysal CambalaashNegeeye habeenka uu dhasho, ilaa habeenka uu god-galaayo dhiigga iyo dheecaanka bini’aadamku waa bar tilmaameed la abaarayo. Waayo. Mushxaraddii haweenka ee lagu soo dhaweynayey habeenkii uu dhashay Negeeye, iyo waxa is xigay xabaddii aabbihii Geedi Buraale galaafatay, geerida aabbihii waxa ay maanka iyo maskaxdiisa kaga tagaysaa dareen cuqdadaysan oo aakhirka keenaysa in uu u aargudo aabbihii, gacantiisana ku dilo gacanku dhiiglihii diley aabbihii ee Goodir. Isla goobtaasina uu Negeeye ku noqdo “gacan ku dhiigle”. Koridda Negeeye, waxay noqotey imtixaan buuxa o jiifa maanka iyo maskaxdiisa ka dib markii hooyadii ay nin kale guursatay. Tabaabushaha ayaa noqonaaya in Negeeye ka tago xaafadda. Tuulada Damalweyne oo ayeydii joogto ayaa uu door bidayaa in uu ku noolaado. Imtixaan kale oo maankiisa iyo maskaxdiisa ka dhigaaya gasariir ayaa uu kala kulmayaa tuuladaasi oo aakhirka looga bixinaayo magaca “Habaar-qabe”. Geerida ayeydii, ka dib waxa ay Amran la wadaagaysaa nolol saaxiibtinnimo oo qarsoon ama hoose, waxaanay baraysaa ragga iyo dumarku waxa ay isku yihiin. Amran, Negeeye waxa ay u dilaacinaysaa indho aragti fog, oo ka dhinnaa, waxa ay baraysaa U........!!!, iyo A.....!!!. Waxa uu Negeeye uga sii gudbayaa Muqdisho, oo uu nolol adag ka dib noqonayo nin magac iyo maal leh, oo dhiigga dadka ku maydha, kuna weysaysta, markuu doono. Waxa uu noqonayaa Gaashaanle dhexe, waxaanu ku helayaa xidiggo badan dhaca, kufsiga, boobka, dilka, iyo cabudhinta shicibka, waxaanu Negeeye noqonayaa nin aan cid uu u tudhaa aaney jirin dunida. Waxa uu noqonayaa Askari amarrada si fiican u fuliya oo laga jecel yahay meelo badan. Sheekadani, waxa ay sawir dhab ah kaa siinaysaa qaabkii ay u dhaqmi jireen ciidamaddii dawladdii kali taliska ahayd Aakhirkana noloshiisu silic iyo darxumo badan ayaay maraysaa, waxaanu ku dhimanayaa meel cidla ciirsila ah. Sheekada waxa kula jira dad badna oo ehel iyo qaraabo dhaw yahiin Negeeye oo qayb libaax ka qaadanaaya.
Sheekada
Aanadii Nageeye waa noofal kamid taxanaha aadka loola dhacay ee 'Cirsan ka yeedh', qoraa Khaalid Jaamac Qoodax oo sheekada soo koobid iyo gorfayn ku sameeyey ayaa yiri ;
“Aanadii Negeeye” waa sheeko mug leh oo aad ka dheehan karto dhibkii iyo qalalaansahii ay soo martay Soomaaliya intii u dhaxaysay sannadihii 1969, ilaa maanta oo aynu garanayno heerka ay marayso, waa sheeko curin iyo caris badan ku abuuraysa maanka iyo maskaxda akhristaha. Mar waa yaab, farxad, wanaag, xumaan, waa dhaqan gadis, jacayl, nacayb, qosol, xaq, xaqdarro, murugo, faqiir , taajir, dil, aargudasho, dhac, boob, haddana yaabka yaabkii. Waa sheeko bar-bilaw ilaa dhammaad jidhku kaa dubaaxinaayo, oo xusuus mug leh kaaga tagaysa maankaaga, waa sheeko marka aad bilawdo kugu qasbaysa innaad dhammayso.
Xigasho;
- Aragtida fog ee Taxanaha Cirsankayeedh {Aanadii Negeeye] Qalinkii: Khalid Jama Qodax
- MAANA-FAAY: HORYAALKA SHEEKO-FANEEDDA SOOMAALIYEED July 28, 2019 W.Q. Bare Sare Mustafa Fayruus
0 Comentarios