Buugga:Jirridda Baambu
Bogagga:536
Qoraaga:Sacuud Sancuusi
Turjume:Maxamed Xirisi
Taxanaha Hiil Turjumid
"Wax kasta waxa ay ku dhacaan una dhacaan sabab"
-Jooseefiin.
Way dhacday inaan warqadda udambeysa gaaro sababta ay udhacdayna waa inaan akhriyay, anoo ka xun dhameynta sheekada Jirridda Baambu. Waxaa iga dhammaatay nolol.
Waa nolosha wiil magaciisu yahay Jose sidaas ayaa loo qoraa, Filibiin iyo Af Ingiriisigaba waxaa loogu dhawaaqaa Hooseeyh. Carabiga iyo sidoo kale isbaanishka waxaa loogu dhawaaqaa khooseeh, Bortuqiiskana isla sidaas ayaa loo qoraa waxaase loogu dhawaaqaa jooseeh! Halka Kuwayt miyaa! Waxaas oo magac ah shaqo kuma leh magaciisu waa Ciise.
Wuxuu iskaga gudbayaa Ciise waa hooseeyh oo ah arbaha sheekada Kuwayt oo uu ku dhashay ilaa Filibiin oo oo ku hanaqaadi doono. Qadarta iyo qorshuhuna kusoo celin doono Kuwayt da'ada 17jirka. Kalana kulmi doona isdiidooyin dhanka reer aabihii, kuuwayt, diintiisa iyo dhaqamada reer Kuwayt ilaa uu dib ugu laabto dhulkii uu kusoo hanaqaaday.
Weedhaha cajiibka ah ee buugga ku jira nuxurro waaweynse xambaarsan;
"Waxa xanuunka lehi ma ahan in qiimaha qofku jabo, waxa xanuunka dhabta ah lehi waa in uu qofku aslanba yeesho qiime gooya."
"Cafiska aan dadka danbiga naga gala u bixinino kama dhigna inaan iyaga abaal ugu sameynino, taa bedelkeeda anaga ayaa nafteena abaal ugu sameynina. Nafteena ayaan ka daahirininaa inay wax gocato".
"Hadii ay guryihii soo tufeen jidhkeena...kasha saaxiibbada ayaa dalal u ah arwaaxdeenna".
"Markasta aan u baahdo wehel iyo qof aan la sheekeysto, waxaan kala furtaa buug."
"Erayada naxariista lehi uma baahna turjumaad, waxaa kugu filan kaliya inaa eegto wajiga qofka dhahaya si aad u fahantid dareenkiisa, xitaa haddii uu ku hadlayo luuqad aadan garaneyn"
"Xiriirkaaga aad la leedahay waxyaabaha ku hareereysan noloshaada, wuxuu ku xiran yahay marba sida wanaagsan ee aad u fahamtid. Wax fahan!"
"Amar ku taagleynta dadka qaari waxay ku dhici kartaa fuleynimada kuwa kale"
Ugu dambeyn jalleyaal akhriya buuggan ku khasaarimeysaan, waa udawo dhaqamada daxaleystay ee haybsooca iyo xaqiraada bulshooyinka reer-reerka u nooli isku dulmiyaan.
Siciid Axmad Cali

0 Comentarios