Dr. Xussein Sh. Axmed Hilowle “Kaddare” waxa uu ku dhashay deegaan udhow degmada Cadale ee gobolka Shabeellada Dhexe sanadkii 1934tii kuna dhintaymagaaladaMuqdisho 1dii Febraayo 2015kii,wuxuu ka soo jeeday qoys xoolo dhaqata ah, oo ku dhaqan deegaanada hoos yimaada degmada Cadale, laguna yaqaan ammaanada iyo ku dhaqanka diinta Islaamka, wuxuuna yaraantiisii ka bilaabay barashada diinta Islaamka deegaankii uu ku dhashay. Isla deegaankaas intuu joogay waxa uu caan ku ahaa shiribka
Xuseen kaddare waxa uu usoo wareegay Xamar kuna biiray dhalinyaradii gobannima doonka Soomaaliyeed. Isagoo markaas arkayay dhibaatooyinka ka aloosan farta Soomaaliga waxa uu hindisay far markii dambe isaga loogu magac daray oo la oran jiray Kadariya sannadkii 1952dii, fartaas oo ka koobneyd afar iyo labaatan xaraf.
Dr. Xusseen Sh.Axmed Hilowle Kadare waxa uu banka'abuuray Xuruuf isaga u gaar ah, oo uu isaga kaliya uu yaqaanay taas oo ka duwaneyd farihii xiligaas soo ifbaxay oo badankood ku qornaa Carabi iyo Talyaani. Isagoo ka dhigay mid go’aysa iyo mid isku darmeysa, iskuulna u furay si fartiisa gaarka ah loo barto.
Abwaan Maxamed Ibraahim warsame Hadraawi oo tuhmaya Dr Kadare inuu yahay nin ku fiican magac bixinta iyo afka, baa gabay uu tiriyay waxaa ku jirtay;
Halka deyr waqtigu dhigo
Dib baa looga sheekayn
Kadaraa umagac bixin.
Dr. Kaddare, waxaa uu madax ka noqday 1966dii, urur dhalinyaro Oo ka jiray magaalada Muqdisho, lana oran jiray Golaha dhalinyarada Soomaaliyeed. Waxa kale uu kasoo shaqeeyay Raadiyo Muqdisho, sidoo kale waxa uu xubin ka ahaa, guddigii afka-soomaaliga. Kadare markii afka-Soomaaliga la qoray 1974tii, waxa uu madax ka noqday, Akedimayada Af-Soomaaliga waaxda afka dhaqanka iyo suugaanta Soomaaliyeed. Waxa kale uu wasiir kasoo noqday dawladdii Cali mahdi een taabo galin 1991dii.
Xusseen Sh.Axmed Hilowle waa mu'alif sameeyay riwaayado hirgalay, sida Nimaan joogin ma jirayo, sabool dagaal uma daabo iyo kuwa kaloo badan. Dhanka kale waxa uu ahaa qoraa, buugtiisa waxaa laga xusi buugiisa Warsame iyo Waasuge. Waxaa kale uu ahaa suugaan dhaadhi kana mid ahaa suugaanleydii ka qeyb qaatay silsiladii caanka aheyd ee deelleey.
Dr. Xusseen Shiikh Axmed Kaddare oo ka mid ahaa xubnihii tirada yaraa ee abaalka gashaday kana qeybgalay halgankii, ummadeed, diimeed iyo towraddii dhaqameed, suugaameed ee dalka ka bilaabatay wixii ka dambeeyay xornimadii.
Tixraacyo;
http://somaliwiki.com/index.php/2017/01/20/taariikh-nololeedkii-xuseen-sh-axmed-kadare/
https://youtu.be/nQpSrRUHocM
https://youtu.be/nQpSrRUHocM

0 Comentarios